Madaxweynihii Hore ee Galmudug oo Ku Baaqay in La Sameeyo Hal Arin Ka Hor Doorashada+Dhageyso

0

Madaxweynihii Hore ee Maamulka Galmudug Maxamed Axmed Caalim oo la hadlay idaacadda Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa ku baaqay in wada-hadal lala furo Maamulka Ahlusuna Waljameeca inta aan la qabanin Doorashada Madaxweynaha Cusub ee Maamulkaas.

Siyaasiga Caalim ayaa sheegay in wada-hadal lala furo maamulka Ahlusuna Waljameeca ee Gobolada Dhexe ay fududeenayo in meesha laga saaro qilaafka ka dhex jira bulshada gobolada Mudug iyo Galmudug, xili doorashii cadaado ka dhacday sanadkii 2015-kii ay keentay in ay maamul gooni ah ay sameystaan Ahlusuna.

Arintaan ayaa kusoo beegmaysa xili Madaxweynahii Hore ee dowladd Goboleedka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed uu shalay ku dhawaaqay in uu iska casilay xilkii madaxweynaha, sababo la xiriiro caafimaadkiisa.

Magaalada Cadaado waxaa haatan ka socda Kulamo loogu hadlaayo doorashada Madaxweynaha Cusub ee Maamulka Galmudug.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here