Taliyaha Ciidamada booliska maamulka Puntland Cabdirisaaq Shire Faarax(Ereg) oo warbaahinta kula hadlay magaalada boosaaso ee Gobolka bari ayaa sheegay in xaalada dhanka amniga Magaalada ay tahay mid aad u wanaagsan, islamarkaana aysan jirin wax la yiraahdo nabadgalyo daro.
C/risaaq Ereg ayaa sheegay in guud ahaan Puntland ay tahay Nabad, islamarkaana aysan jirin wax dhibaato ah oo ka dhex jira bulsahda reer Puntland, wuxuu sheegay in la faafiyay Warar been abuur ah oo ku aadan in la cadaadinaayo shacabka.
Magaalada Boosaaso ee Gobolka dhowrkii maalin aynu soo dhaafnay waxaa jiray xaalad kacsanaan ah shalay Ciidamo ka Tirsan kuwa Puntland ayaa la wareegay Xarumaha Baarlamanka iyo wasaaradda Maaliyadda, inkastoo markii dambe la xaliyay.

