Ciidamada Maamulka Jubba-land oo Gacanta Ku Dhigay Qaraxyo La Aasay

0

Ciidamada amaanka Maamulka Jubba-land ayaa gacanta ku dhigay Qaraxyo lagu aasay mid kamid ah xaafaddaha Dgmada Balad Xaawo ee gobolka Gedo.

Dadka ku nool xaafaddaha Dgmada Balad Xaawo ee gobolka Gedo ayaa ku wargaliyay Ciidamada Nabad Sugida Maamulka Jubba-land in qaraxyo lagu aasay degmada, dadaal dheer kadib waxaa u suurta gashay Ciidamada in ay qaraxyada kasoo saaraan goobta lagu aasay.

Sarkaal ka Tirsan Ciidamada Maamulka Jubba-land oo la hadlay warbaahinta ayaa xaqiijiyay in xog ay ka heleen dadweynaha ugu suurta gashay in lagu fashilo qaraxyada lagu aasay mid kamid ah xaafaddaha Dgmada Balad Xaawo.

Sidoo kale waxa uu digniino u diray shaqsiyaad uu sheegay in ay xiriir la leeyihiin Ciidamada Al-shabaab,waxa uu sheegay in ciqaab adag la marsiin doono cidii lagu helo in ay xiriir la wadaagto Al-shabaab.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here