Faafahino ka Soo baxaya Qarax Dhimasho Sababay Oo Ka Dhacay Gobolka Shbaeelaha Dhexe

0

Waxaa wararka laga helayo deegaanka Biyo Cadde ee gobolka Sh/dhexe ayaa sheegayaan in habeenkii n xalay ahaa qaraxa uu ka dhacay deegaankaasi.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in Qarax uu ahaa mid dhawaqiisa laga maqlay meelo ka fog fog goobta qarax auu ka dhacay.

Warar kala duwan oo ka soo baxay qaraxa ayaa waxaa wararka qaar ay sheegayaan in qaraxa uu sababay dhimasho soo gaartay dadki aasayay qaraxa miino.
Inta la xaqiijiyay Seddex qof ayaa ku dhintay goobta oo la sheegay dhamaantood in ay miinada aasayeen.

Goob aan ka fogeyn deegaanka Biyo Cadde iyo War Ciise ayaa lagu arkay meydadka ragga miinada ay dishay sida saakay dad goobta tagey ay xaqiijiyeen.

Halka uu qaraxa miino ka dhacay sidoo kale waxaa lagu arkay 2 qori oo la sheegay in wateen ragga miinada aasayay ee goobta ku geeriyooda.

Weli maamulka gobolka sahbeelaha dhexe kama uusan hadlin arintaani.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here