Akhriso:-Safiiro iyo Qunsulo Soo Dayacay Shaqooyinkii Loo Magacaabay oo Muqdisho Ku Sugan

0

Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaliya waxaa mudooyikii ugu dambeeyay soo gaarayay Safiiro iyo Qunsulo ka howlgalayay dhowr safaarado oo ku yaalada Wadamada Caalamka oo Soomaliya ay magacowday Sanadihii dambe.

Inta la xaqiijiyay 16-safiir iyo Qunsulo ayaa Magaalada Muqdisho soo gaaray tan iyo markii Xilka Madaxweynaha Soomaliya loo doortay Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo xubnahaas ayaa doonaya in ay xilal ka helaan Wasiirada uu soo magacaabayo Raisulwasaaraha laga sugayo Madaxweyne Farmaajo.

Halkan hoose ka akhriso magacyada Safiirada

1- Daahir Maxamuud Geelle, Safiirka Soomaaliya ee Saudi Arabia
2- Siyaad Maxamuud Shire , Qunsulka guud ee Qunsuliyadda Jeddah, Saudi Arabia
3- Axmed Cabdi Xasan ” Axmed Suudaan”, Qunsulka guud ee Qunsuliyadda guud ee Aden, Yemen
4- Cabdullaahi Xaashi Shuuriye , Safiirka Soomaaliya ee Yemen
5- Jamaal Maxamed Xasan,Safiirka Soomaaliya ee Kenya
6- Taabid Cabdi Maxamed , Safiir kuxigeenka “Lataliyaha koowaad” Safaaradda Soomaaliya ee Mareykanka
7 – Ilyaas Sheekh Cumar, Safiir kuxigeenka “Lataliyaha koowaad” Safaaradda Soomaaliya ee Masar
8- Maxamed Isxaaq , Xoghayaha labaad ee Safaaradda Soomaaliya ee UAE
9- Cabdulqaadir Maxamed Nuur , Safiir kuxigeenka “Lataliyaha koowaad” Safaaradda Soomaaliya ee Turkey
10- Cawaale Cali Kullane , Safiirka Soomaaliya ee Sweden
11- Yuusuf Garaad Cumar, Ergeyga joogtada ee Soomaaliya u qaabilsan Xarunta Qaramada Midoobey ee Magaalada New York
12- C/risaaq Faarax Taani, Safiirka Soomaaliya ee dalka Cummaan
13- Dr. Cali Saciid Faqi , Safiirka Soomaaliya ee dalka Belgium ahna Ergeyga Midowga Yurub
14- Cali Shariif Axmed, Safiirka Soomaaliya ee dalka France
15- Maxamed Cali Sayid , Safiir kuxigeen “Lataliyaha koowaad” ee Safaaradda Soomaaliya ee Zambia
16- Dr. Jamaal Barrow Safiirka Soomaaliya ee Koofur Afrika

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here