Halkay Ka Dhacaysaa Xafladda Caleema-saarka Madaxweynaha Soomaliya Farmaajo

0

Xafladda Caleema-saarka Madaxweynaha Cusub ee Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa ka dhacaysa Xarunta Afasiyooni ee Ciidamadii Hore ee Cirka Soomaliyeed degmada waabari ee Gobolka banaadir.

Qaban-qaabadii ugu dambeysay ee Caleema-saarka Madaxweyne Farmaajo ayaa haatan socota waxaa qaban-qaabada ka qeyb ka ah mas’uuliyiin ka Tirsan Dowladda Soomaliya, ay ugu horeyso wasaaradda arrimaha Dibada Xukuumadda Soomaliya.

Munaasabada oo dhaceyso maalinta Arbacada ee Todobaadkaan oo maalin kaliya ay ka harsan tahay ayaa diyaar garowgeeda laga dareemayaa magaalada Muqdisho, waxaana aad loo adkeeyay amaanka magaalada.

Madax ka Tirsan wadamada afrika sida Kenya, Uganda, Ethopia iyo Jabuuti ayaa lagu casuumay ka qeyb galka Caleema-saarka Madaxweynaha Cusub ee Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) oo 8-dii bishaan lagu doortay Magaalada Muqdisho.

Sanadkii 2012 waxaa caleema saarkii Madaxweynihii hore Xasan Sheekh maxamuud ka soo qeyb galay Madaxda dalalka Jabuuti iyo Itoobiya, wakiilo matalayay Madaxda Kenya, Uganda, Sudan iyo kuwa kale, waxaase sanadkan la filayaa inay ka duwanaato afar sano ka hor.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here