Khilaaf Ka Taagan Magacaabidda Golaha Wasiirada ee Maamulka Hir-shabeelle

0

Warar ay heshay Idaacadda Simba ayaa sheegaya in muran iyo khilaaf ku aaddan magacaabidda golaha wasiirada Maamulka Hir-shabeelle oo uu hadda ka taaganyahay Magaalada Jowhar ee xarunta Maamulkaasi.

Khilaafka iyo muranka ayaa u dhexeeya Madaxweynaha Maamulka Hir-shabeelle Cali cabdullaahi Cosoble iyo ku xigeenkiisa Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe,Waxaana la tilmaamayaa in khilaafku uu ka dhashay kadib markii ay isku fahmi waayeen magacaabidda iyo qaabka loo qoondeynayo wasiirada beelaha qaar ee Maamulka Hir-shabeelle.

Warbaahinta oo saaka aroortii looga yeeray madaxtooyada KMG ee Hir-shabeelle ee Magaalada Jowhar ayaa loo sheegay inay fasaxanyihiin islamarkaana uu jiro dib u dhac aan waqtigiisa la shaacin oo ku yimid magacaabidda golaha wasiirada hir-shabeelle.

Xildhibaanno iyo masuuliyiin ka tirsan Dowladda dhexe oo hayb ahaan kasoo jeeda deegaanada Hir-shabeelle ayaa ku wajahan Jowhar iyadoona qaarkood ay gaareen magaaladaasi kuwaasi oo dhax-dhaxaadin ahaan u tagay Magaalada.
Xaaladda ayaa hada kacsan waxaana socota waan-waan ku aaddan sidii arintan loo xallinlahaa.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here