Wasiiru dawlaha Amniga Somaliland Maxamed Muuse Diiriye, oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Hargeysa ee caasimada maamulkaas ayaa sheegay in uusan wariye u aqoonsadeen Cabdi maaliin Muuse Caldoon balse isku bedelay samafale imika noqday siyaasi olola ka dhex waday doorashaddii Soomaaliya ku soo gabogabowday.
Wasiiru dawlaha amniga Somaliland Maxamed Muuse Diiriye ayaa sheegay inu u Cabdimaalik Muuse Coldoon oo haatan ku xiran Magaalada Hargeysa uu qirtay in uu si toos ah u taageerayey musharax Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo oo ku guuleystay xilka Madaxweynaha Soomaliya isla markaana markii uu soo noqonayey aanu cafis soo waydiisan xukuumada.
“Dadkeena halkaasi taga marka khaladka galaan nimankaasi iska balag doonka ah ee kolba dhinac u cararayaa, markay tagaan Muqdisho muddo ka dib ayey cafis soo qoran jireen, isagoo cafiskii soo qoran ayuu madaarka aayar iskaga soo degay, kadibna sidaas ayaa lagu xidhay”.yuu yiri Wasiiru dawlaha amniga Somaliland Maxamed Muuse Diiriye.
Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon ayaa maxkamadda magaalada Hargeysa u jartay toddoba cisho oo rumaan ah,inta la diyaarinayo dacwadiisa, waxaana xukuumaddu Somali-land ay ku eedeysay inuu Muqdisho u joogay kala taagerida Musharixiinta u taagnaa Xilka Madaxweynaha Soomaliya.

