Faah-faahin Ku Saabsan Qaraxa Ka Dhacaya Duleedka Magaalada Kismaayo

0

Hal Askari ayaa ku dhintay Afar kalana way ku dhaawacmeen Qarax ciidammo ka tirsan Jubbaland lagula eegtay Galbeedka magaalada Kismaayo.

Wararka ayaa sheegaya in Qaraxa uu ahaa Miino dhulka lagu aasay oo qabsaday gaari ay la socdeen ciidammadaan ka tirsan maamulka Jubbaland oo ku socdaalayey deegaan 25-KM qiyaastii u jira Magaalada Kismaayo.

Askarta dhaawacyada qaba ayaa la geeyay isbitalka magaalada Kismaayoay Idaacadda Simba u xaqiijiyeen Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Jubbaland oo ku sugan magaalada Kismaayo ee gobalka Jubbada Hoose.

Mudooyinkaan danbe ayaa ciidanka Jubbaland waxay sii xoojiyeen dagaalada ka dhan ah Xarakada Al-Shabaab kuwaas oo mararka qaar weeraro xooggan kusoo qaadayey deegaanno iyo degmooyin ay gobolada jubbooyinka ay kaga suganyihiin ciidanka Jubbaland.

Masuuliyiinta ammaanka ee jubbooyinka oo idaacadda Simba la hadlay ayaa sheegay inay ku raadjoogaan kooxihii ka dambeeyey miinada lala eegtay ciidanka ubbland.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here