Madaxweynaha Maamulka Hir-shabeelle Cali C/laahi Osoble ayaa sheegay in Golihiisa wasiirada uu ku dhawaaqi doono ka Hor Caleema-saarka Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo)
Madaxweyne Osoble ayaa sheegay in la tashiyo uu la sameeyay qeybaha kala duwan ee bulshada Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, islamarkaana wada-tashiyadaas ay ku soo dhamaadeen guulo.
“Saacadaha soo aadan ayaan soo magacaabi doonaa wasiirada, inta badan waxaa soo gabagaboobay wadatashiyadii aan la lahaa qeybaha kala duwan ee bulshada, sida Odoyaasha dhaqana, Haweenka, dhallinyarada, sidoo kalena xildhibaannada intooda badan waan is aragnay, wixii xilligaan ka dambeeyana waa shaqo” ayuu yiri Madaxweyne Cosoble.

