Madaxweynaha Mamulka Hir-shabeelle Cali C/laahi Osoble ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda uu ku dhawaaqyo Golihiisa Wasiirada cusub ee Maamulkaas kadib markii xalay kulamo waqti qaatay uu la yeeshay xildhibaano iyo Waxgaradka kasoo jeeda Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.
Kulamada ayaa intooda badan diirada lagu saaray magacaabista Golaha Wasiirada cusub ee Maamulka Hir-shabeelle oo dhowr jeer oo hore dib loo dhigay iyadoo Madaxweyne Osoble uu xildhibaanada intaas weydiisanayay in waqti loogu daro.
Dhanka kale siyaasiyiinta kasoo jeeda deeganada Hir-shabeelle ayaa hogaanka Maamulkaas ku eedeeyay in uu dib u dhigayo hormarka Maamulkaas kadib markii tiro 3-jeer uu ku guuldareystay madaxweyne Osoble in uu ku dhawaaqo Golihiisa wasiirada.

