Hay’adda NISA oo Lacago u Balan-qaaday Qofkii Soo Sheega Dadka Bistoolladaha Dilalka Ku Geysta

0

Taliyaha Hey’adda Sirdoonka iyo Nabad-Sugidda Qaran Jeneraal Cabdullaahi Gaafoow Maxamuud, oo kamid ah mas’uuliyiin xalay booqday isbitaalada la geeyay dadkii shalay ku dhaawacmay qaraxiii ka dhacay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in hey’addu ay leedahay meel ay shacbiga kala soo xiriiri karaan sida Lambarka (991 NISA).

sidoo kalena Taliyaha Hey’adda Sirdoonka iyo Nabad-Sugidda Qaran Jeneraal Cabdullaahi Gaafoow Maxamuud ayaa tilmaamay in Hay’adda ay tixgalin siin doonto islamarkaana ay sugi doonto amaankiisa Qofkii soo sheega dadka Bistoolladaha dilalka ku geysta.

“Gobolka Banaadir waxaa kusoo batay dhowrkii maalin aynu soo dhaafnay dilalka qorshaysan ay geysteen Al-shaabab, intooda badan waxaa lagu fuliyaan bastoolada, cidii xogtaa NISA usoo gudbisa waxaa lagu abaalmarin doon 10,000 oo Dollar”, ayuu yiri Jeneraal Cabdullaahi Gaafoow Maxamuud.

Dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab ayaa kordhiyay weerarada iyo dilalka qorshaysan ay ka geystaan Magaalada Muqdisho, waxa wacad ku mareen in ay sii kordhin doonaa beegsiga dadka la shaqeeya Dowladda Cusub ee Soomaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here