Wadooyinka Muhiim ah ee Magaalada Muqdisho oo Caawa Xiran+Sababta Ka Dambeysa

0

Ciidamo ka Tirsan Hay’adda Nabada Sugida iyo Sirdoonka qaranka Soomaliyeed ee (NISA) oo aad u hubeysan ayaa caawa Maqribkii xiray wadooyinka muhiimka ah ee Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaliya.

Laga soo bilaabo Wadada Tarbuunka ilaa Sanca waxaa caawa lagu arkayaa Ciidamada Hay’adda Nabada Sugida iyo Sirdoonka qaranka Soomaliyeed kuwaasi oo wata hubka noocyadiisa kala duwan, ciidamada ayaa sidoo kale ridaya xabado, loo malaynayo in dad lagu kala ceyrinayo.

Dhanka kale Ciidamo ka Tirsan Hay’adda Nabada Sugida iyo Sirdoonka qaranka Soomaliyeed ayaa xiray wadada isgoyska Banaadir ilaa Digfeer degmada Hodan ee Gobolka Banaadir waxaa dad loo diiday in ay wadooyinaka isticmaalaan.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed(Farmaajo) uu booqan doonto Isbitaalo ay kamid yihiin Digfeer iyo Isbitaalo kale oo ku yaala eeryada Isgooyska Banaadir oo maanta la gaarsiiyay Dhaawacyo badan oo ku waxyeeloobmay Qarax maanta ka dhacay Suuq kuyaala Xaafada Kaawo Godey ee Degmada Wadajir gobolka Banaadir.

Madaxweyne Maxamed C/laahi Maxamed(Farmaajo) ayaa sidoo kale la sheegay in uu booqan doono isbitaalka Madiin ee Magaalada muqdisho oo maanta la gaarsiiyay dhaawacyo kor u dhaafaya 20-ruux oo shacab ahaa.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here