Wararka ka imaanaya Gobolka Sool dhanka maamulka Somali-land ayaa ku waramaya in Neef Ari ah gaafo darteed uu gacanta ugu goystay Wiil yar oo 3 Bilood jir ah.
Dhacdaan ayaa ka dhacday Tuulada Madax-lagaxoor Ee Gobalka Sool, neefka ariga ayaa arintan u sameeyay baahi uu la adkeysan waayay sida ay inoo sheegeen dad ku sugan tuulada ay dhacdada ka dhacday.
Arintan ayaa kusoo aadaysa xili qaar kamid ah Gobolada dalka Soomaliya abaarta ka jirta ay gaartay heerkii ugu xumaa islamarkaana ay soo baxayaan in xaywaanaadka ay u gaarsadaan dad biniaadamka ah.

