Diblomaasi Sheegay Hadii aan Wax Laga Qabanin Abaarta ay Keeni Karto in Dad Badan ay u Dhintaan.

0

Wakiilkii hore ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Nicholas Kay oo ka hadlay abaarta ka jirta Soomaliya ayaa sheegay in hadii aan wax laga qabanin abaarta ay keeni karto in dad badan ay u dhintaan.

Diblomaasiga Britishka Nicholas Kay, kaas oo muddo soo ahaa Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, ayaa sheegay in boqolaal kun oo qof oo ku nool Soomaaliya ay u dhiman karaan ama qarka u saaranyihiin dhimasho bisha May ee sannadkan sida uu hadalka u dhigay haddii tallaabo degdeg ah la qaadin si wax looga qabto khatarta abaaraha ee dalka.

Wakiilkii hore ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Nicholas Kay oo la hadlay Jaraaidka belfasttelegraph ayaa sheegay in caalamka iyo Dowladaha deeq bixiyaasha hadii aysan wax ka qabanin abaarta Soomaliya in ay keeni karto in dad badan ay u dhinteen bisha May ee sannadkan 2017-ka.

Qaar kamid ah Gobolada dalka Soomaliya waxaa haatan ka jira abaar xoogan oo saameysay dadka iyo duunyadda, Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in hadii aan wax laga qabanin abaarta haatan jirta ay noqon karto tii Soomaliya ku dhufatay sanadkii 2011-kii.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here