Madaxweyne Farmaajo oo Magacaabay La Taliyihiisa Dhinaca Amniga Qaranka

0

Madaxweynaha Cusub ee Soomaliya Maxamed C/laahi Farmaajo oo maanta xafiiska la wareegay ayaa magacaabay xilal kala duwan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa La Taliyihiisa Amniga Qaranka u magacawday Xuseen Macalin Maxamuud oo loo yaqaano Damuumaaye, sidoo kale horay u ahaa Xoghayaha Guddiga Amniga Qaranka, mas’uulkaan la magacaabay ayaa la dhashay Xildhibaan Xasan Macalin Maxamuud oo ah Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka, ahna Madaxa Xisbiga Daljir.

La Taliyaha Cusub ayaa haysta Paasaporka dalka Britain, sidoo kale waa sarkaal sare oo ka tirsan Hey’adda Nabadsugida Qaranka, waxaa uu horay u soo noqday La Taliyeyaasha dhinaca Amniga ee Madaxweynayaashii hore.

Goor sii horeysay ayay aheyd markii Madaxweynaha Cusub ee Soomaliya Maxamed C/laahi Farmaajo Magaacabay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada iyo Madaxa Hab Maamuuska ama Protocol-ka Madaxtooyada, kuwaasi oo loo kala magacaabay Dr. Cali Saciid Faqi oo hore u ahaa Danjiraha Soomaaliya uga wakiilka ah Dalalka Belgium, Holland iyo Luxembourg iyo Ururka Midowga Yurub, iyo Siyaad Maxamuud Shire oo horey usoo noqday Qunsulka Guud ee Jeddah, ka horna Qunsulka Nairobi.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here