Hanti dhowraha Qaranka Nuur Faarax Jimcaale oo warbaahinta la hadlay ayaa sharcidaro ku tilmaamay heshiiskii Somali-land iyo dowladda Imaaraadka Carabta ee Saldhiga Malatariga Magaalada Berbera.
Waxa uu sheegay in Heshiiskaan uu yahay mid qalad ah ,islamarkaan si qaldan wax loogu sheegay Xildhibaanada Somaliland.
“Heshiiskii ahaa Dekada Magaalada Berbera waa qalad, dadka Xildhibaanada ah ee Somaliland, waxaa loo qaybiyay mid aanan rasmi aheyn oo saxiixyadii ku qorneyn saxiixyadii rasmiga ahaana waa laga qariyay, danta umadda iyo mida dalkana lagama eegin, shaqsiyaad ayaa galay oo danahooda gaarka ah ka eegaya, sharci ma’ahan wax ay umadda u qabanaysana malahan.” Ayuu yiri Hanti dhowrka Qaranka Somaliya.
Isbuucaan Gudihii ayay ahey markii Golaha Wakiiladda Somali-land ay ansixiyeen Heshiiska Xukuumadda Somali-land ay la gashay dowladda Imaaraadka Carabta ee Saldhiga Malatariga Magaalada Berbera.

