Deg:Deg:-Cabsi dagaal oo Saakay Ka Taagan degmada Xarar dheere+Duullaan Ciidan oo Ku Wajahan.

0

Warar lagu Kalsoon yahay oo ka imaanaya Gobalka mudug ayaa Sheegay in ay Cakiran tahay Xaalada Degmada Xarar-Dheere ee Koofurta Gobalka Mudug halkaas oo uu ku Wajahan yahay Duulaan ay si wada jir ah ay u qaadan Ciidamada Komaandooska Xooga Dalka Soomaaliyeed Ciidamada PIS ee Dowlada Gobaleedka Puntland iyo Ciidamada Nabad Sugida Galmudug kuwaas oo ku midoobay Howlgal Dagaal oo ay ku qaadayaan Dagmaadsi oo ay Maamulaan Dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Sida ay Idaacada Simba ay Xogta ku Heshay Ciidamada Huwanta ah ee iskugu jira Dowlada Dhexe Iyo Maamulada Galmudug iyo Puntland ee u midoobay Howlgalka Xarar-Dheere oo istiraatiijiyad wayn u leh Dhaqdhaqaaya Al-shabaab ayaa waxaa Hogaaminaya Taliyaha Ciidamada Galmudug.

Midowga Ciidamada ayaa Noqonaya Howlgalkii ugu horeeyey oo Ciidamada,Galmudug,Puntland iyo Ciidamada Danab ee Xooog dalka howlgalkoodii ugu horreeyey ee ay wada jir u fuliyaan.

Xaaladda ayaa saaka lagusoo waramaya inay kacsantahay islamarkaana uu barakac kasocdo degmada Xarar-dheere kadib markii diyardo dagaal ay Warqado digniin ah ku daadiyeen xalay degmadasi.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here