War Deg Deg:-Musharax C/raxmaan Faroole oo Ka Tanasulay Musharaxnimadiisa

0

Madaxweynihii Hore ee Maamulka Puntland C/raxmaan Shiikh Maxamuud Maxamed Faroole oo goordhaweyd shir Jaraaid ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa Goordhaweyd ku dhawaaqay in uu ka Tanasulay musharaxnimadiisa.

C/raxmaan Faroole ayaa tilmaamay in hankiisa uu ahaa ku guuleysiga xilka Madaxweynaha Soomaliya,balse uu u tanasulay danta dalka iyo dalka,islamarkaana uu rajeynayo in uu Soomaliya hogaamiyo Hogaamiye daacad ah.

Waxaa soo baxaya warar sheegaya inuu isbaheysiga cusub ku biiray, balse waxaa meesha ka baxaya xildhibaanadii uu heli lahaa, maadaama uusan tartameynin maalinta beri ah.

Dhinaca kale waxaa soo baxaya warar sheegaya in saacadaha soo socdo ay suuro gal tahay inay iscasilaan musharixiin kale oo u taagan xilka madaxweynaha kuwaasi oo buuxiya dhamaan sharuudihii laga doonayay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here