War Deg Deg:-Dagaal u Dhaxeeya Al-shabaab iyo AMISOM oo Ka Socda Gobolka Shabeelaha Dhexe

0

Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa ku waramaya in deegaan hoos yimaada degmada Mahadaay ee Gobolkaas oo lagu magacaabo Miirtaqwo in uu ka socdo dagaal xoogan oo u dhaxeeya Ciidamada Ciidamada Al-shabaab iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM

Dagaal ayaa bilowday sida wararka aynu ka halayno kadib markii Ciidamada Xarakada Al-shabaab ay weerar dabadagal ahaa ay ku qaadeen wadada xiriirisa deegaanada Miirtaqwo iyo Biya Cadde oo ay saldhigyo ku leeyihiin ciidamada Ciidamada Midowga Afrika Amisom,waxaa halkaas ka dhacay dagaal la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Dad halkaas ku sugan aynu la xiriirnay ayaa inoo xaqiijiyay in dagaalka u haatan sii xoogaystay islamarkaana Labada dhinac ay isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan, lamana oga qasaaraha ka dhashay dagaalka.

Wixii kusoo kordha kala soco SIMBANEWS.COM

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here