War Deg Deg:- Gudoomiye Ku-xigeenka Guddiga Qaban-qaabada Doorashada Madaxweynaha oo Iscasilay.

0

Warar lagu kalsoonan karo oo ay halayso idaacadda Simba ayaa xaqiijinaya  in uu iscasilay C/laahi Shiikh Ismaaciil Fartaag oo ahaa Gudoomiye ku-xigeenka Guddiga qaban-qaabada Doorashada madaxweynaha Cusub ee Soomaliya.

Sababaha uu isku casilay ayaa lagu sheegay in uu eedeen kala kulmay qaar kamid ah Musharixiinta madaxweynaha Soomaliya, oo isaga ku eedeeyay in uu taageero weyn u yahay Musharax Xasan Shiikh maxamuud, islamarkaana si cad warbaahinta ugu sheegay.

C/laahi Shiikh Ismaaciil fartaag ayaa dhawaan loo magacaabay  xilka Gudoomiye ku-xigeenka Guddiga qaban-qaabada Doorashada madaxweynaha Cusub ee Soomaliya, kadib kulan ay yeesheen xubnaha Golaha shacabka iyo aqalka Sare ee dalka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here