Al-Shabaab oo Baahiyay Magaca Ninkii Fuliyay Weerarkii Ismiidaaminta Deegaanka Kulbiyow

0

Warbaahinta Al-shabaab ayaa baahisay Magaca iyo qabiilka uu kasoo jeeday dagaalyahankii Fuliyay weerarkii Jimcihii aynu soo dhaafnay  lagu qaaday Deegaanka Kulbiyow ee Gobolka Jubada hoose.

Feysal Yuusuf Aadan oo ka dhashay beesha Mareexaan ayay shabaab sheegeen in uu fuliyay weerarkii koowaad isqarxinta ahaa ee jimcihii  lagu qaaday xerada kulbiyow, waxay sidoo kale shabaab ay sheegeen in uu la shaqeyn jiray Sheekh Dulyadeyn oo isna lagu dilay weerar gaar ahaa oo ay fuliyeen diyaarado.

Shabaab waxa ay sheegeen in Feysal Yuusuf Aadan uu ka soo jeeday degmada Ceel Waaq ee Gobolka Gedo, isaga oo sheegay inuu u dhashay Beesha Mareexaan oo kamid ah beelaha Soomaliyeed.

Shantii sano ee la soo dhaafay ayey Al-shabaab sheegeen in uu ka tirsanaa qeybta isqarxinta ee Al-shabaab ugu dambeyna isku qarxiyay Xero Ciidanka Kenya ay ku lahaayeen deegaanka Kulbiyow ee Jubbada hoose.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here