Musharixiinta Madaxweynaha oo Dalbaday in La Howlgeliyo Guddiga La Dagaalanka Musuqmaasuq+Dhageyso

0

Qaar kamid ah Musharixiinta madaxweynaha Soomaliya oo kulan ku yeeshay Magaalada Muqdisho ayaa dalbaday in howlgeliyo shaqada guddiga la dagaalanka musuqmaasuq doorashada, kadib markii shalay si aan wanaagsan loo maray doodii loo qaban-lahaa Musharixiinta Madaxweynaha oo ka dhici laheyd xarunta golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho.

Mushariixiinta oo tira ahaan gaarayay 12-musharax oo kulan ku yeeshay Hoteel ku yaala Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka mid, Shiikh Shariif Shiikh Axmed Madaxweynihii Hore ee dowladii KMG aheyd ee Soomaliya, maxamed C/laahi Farmaajo, C/raxmaan C/shakuur Warsame, Saciid Dani, Ridwaan Xirsi, iyo xubno kale waxayna dhamaan ay sheegeen in xiligana loo baahan yahay in la howl galiyo guddiga la dagaalanka Musuq-maasuqa doorashada Madaxweynaha,madaama xiligaan la dareemayo musuq-maasuq in lagu hayo doorashada Madaxweynaha.

Hadalkaan wada jirka ah ee ka soo baxay Musharaxiinta ayaa sidoo kale waxaa lagu sheegay in aan laysku halayn Karin Hanaanka ay ku socoto Qaban qaabada Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ka dib Markii Shalay waxa isdaba marsiin lagu sameeyey Kulankii Dood Wadaag ahaa oo Su’aalo lagu weydiinayey Musharixiinta u Taagan Xilka Madaxweynaha dalka sidoo kalena Awood loo sheegtay Warbaahinta Madaxa Banaan oo loo diiday in ay ka Qebgalaan kulankaaasi.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here