Musharax Madaxweyne Maxamed Cali Nuur (Ameeriko) oo kamid ah Musharixiinta u taagan xilka Madaxweynaha Soomaliya oo la hadlay idaacadda Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay sababaha loo xiray Internetka Guud ahaan Magaalada muqdisho.
Maxamed Cali Nuur (Ameeriko), Musharax Madaxweyne ayaa sheegay in la isku soo aadiyay internet-ka la jaray guud ahaan Magaalada Muqdisho, iyo in saxaafadda Madaxa banaan ee Magaalada muqdisho iloo diido In ay ka qeyb galaan dooda Musharixiinta oo lagu kala tagay goordhaweyd.
“Sababaha loo jaray intarnet-ka Magaalada Muqdisho way iska cadahaya waa arin la iska ogaa, oo dowlada waqtigeeda uu dhamaaday ay soo dajisay, ka musharax ahaan aad ayaan kaga xunahay in shacabka Soomaliyeed indhaha la tiro waxna aysan maqlin”, ayuu yiri Musharax Maxamed Cali Nuur (Ameeriko).
Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaliya, ayaa waxaa maanta ka jiray Internet la’aan, ka dib markii la sheegay in cilad ku timid shirkaddii ugu weyneyd ee bixin jirtay adeegga Internet-ka.
Fibre Optic oo bixisa adeegga Internet-ka ee ka jira Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa la soo sheegaya in ciladi ay ku timid, isla-markaana ay shirkaddu gacanta ku hayso cilad bixintaasi.

