Wararka haatan naga soo gaaraya Xarunta golaha shacabka ee Magaalada muqdisho ayaa ku waramaya in qaar kamid ah musharixiinta u taagan xilka Madaxweynaha Cusub ee Soomaliya in ay isagax baxeyn howlka shirka, kadib markii loo diiday inay dooda ka qeyb gasho Warbaahinta Madaxa Banaan.
Musharixiinta howlka shirka isaga baxay waxaa kamid ah Shiikh Shiikh Axmed, C/raxmaan Shiikh Maxamed Maxamuud (Faroole), Musharax Dani, Maxamed Cali Nuur Ameeriko, iyo musharixiinta kale, waxayna ku eedeeyeen guddoonka baarlamaanka in uu gacan bidixeeyay ka qeyb galka dooda Mushariixinta.
Sidoo kale Mushariixinta xilka Madaxweynaha Soomaliya u taagan ayaa ku eedeeyay guddiga loo xil saaray dooda in ay u gacan galiyeen tabinta dooda Warbaahinta dowladda islamarkaana meesha laga saaray tii madaxa banaaneed.

