Xeer ilaaliyaha qaranka Soomaliyed Dr Axmed Cali Daahir oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dowladaha Soomaaliya iyo Kenya aysan marnaba kawada hadli doonin dacwadda badda ee labada dal.
Dr Axmed Cali Daahir Xeer ilaaliyaha qaranka Soomaliyed ayaa tilmaamay in Go’aanka kasoo baxaya maxkamadda Caalamiga ah eek u taala dalka Holland Labada Bishaan uusan quseenin Go’aan ka gaarinka Muranka badda balse uu yahay mid ay maxkamadda ku cadeenayo In ay Maxkamadda ay qaadi karto dacwadda iyo in kale.
“Heshiiskaas dowladda Soomaliyeed iyo qareenadeeda waxa ay aqoonsan yihiin heshiis waqtigiisa dhamaaday, maxaa yeelay labadii ujeedo ee la doonayay waa la fuliyay in labadii wadan aysan ishortaag isku sameenin, dowladda Soomaliya muranka badda way gudbisatay, dowlada kenyana way gudbisatay,ujeedna ugu weyn ee heshiiska kaasi ayuu ahaa, in si hoose lagu dhameeyo muranka badda waa laga soo gudbay”, ayuu yiri Xeer ilaaliyaha qaranka Soomaliyed Dr Axmed Cali Daahir.
2-bisha February ayaa laguw adaa in maxkamadda Caalamiga ah ee Hague in ay soo saarto Go’aanada hordhaca ah ee laga gaaray Muranka badda Labada dowladadooda, inkastoo xeer ilaaliyaha uu sheegay in go’aanka lasoo saarayo uusan quseenin muranka badda.

