Ciidamada AMISOM oo Lagu Eedeeyay In  Soomaliya ay u joogaan Helida Lacagaha Beesha Caalamka+Dhageyso

0

Saraakiisha Ciidamada Dowladda Soomaliya ayaa madaxda cusub ee la dooranayo ugu baaqay in ay xoogga saaraan dib u dhigiska Ciidamada Dowladda si looga maarmo kuwa Midowga Afrika ee  AMISOM.

Afhayeenka Ciidamada Galmudug  Maxamed Cali Ruush  oo la hadlay idaacadda Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa ugu baaqay madaxda dalka maamuli doonto afarta sano ee soo socda ay muhiimad gaar ah ay siiyaan Ciidmada Xoogga dalka Soomaliyeed, halka markii hore la aaminsanaa in Ciidamada AMISOM ay dalka ka difaaci karaan Al-shabaab.

Maxamed Cali Ruush   ayaa sidoo kale ugu baaqay in Madaxda Cusub ee dalka imaanaysa in ay ka shaqeeyaan sidii Ciidamada Xoogga dalka Soomaliyeed ugu heli lahaayeen Mushaar qancinaya , oo haatan ay qaateen lacag aan u qalmin.

“Ciidamada AMISOM ee Soomaliya ku sugan waxaa ku baxaya lacaga aad u fara badan oo beesha caalamka ay bixiso, balse waxaa layaab leh sida aysn u difaacan Karin Saldhigyada ay ku sugan yihiin oo Al-shabaab ay la wareegaan mar walba , Madaxda dalka ee la dooranayo waxaan ugu baqayaa in ay muhiimad ay siinayaan Ciidamada Xoogga dalka Soomaliyeed, ciidamada AMISOM lacagaha badan ee la siiyo waa in loo qondeeyaa kuwa Soomaliyeed, ayna ka shaqeeyaan sidii dalka loogu saari lahaa”, ayuu yiri.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here