Shaqsiyaad Lagu Eedeeyay in ay Taageeraan Al-shabaab oo Lagu Qabtay Kenya

0

Laamaha amaanka dalka Kenya ayaa sheegay in baaritaano ay ku waadaan haweeney ganacsata ah taa oo  ku nool xaafada Umoja oo 380 KM u jirta caasimada Nairobi ee Kenya oo lagu eedeeyay in caruurteeda ay ku biireen Xarakada Al-shabaab kuwaa oo ku sugan Soomaaliya in  ay maalgeliso.

haweyneedan oo ganacsiyo kala duwan ku leh deegaanka Umoja ayaa lagu eedeeyay in lacag u dirto ilmo ay dhashay oo ku biiray dagaalyanada Al shabaab ee Soomaaliya.

Raggan kenyatiga ah ee ku biiray Xarakada Al-shabaab ee soomaaliya ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Ahmed Iman AKA oo labaxay Abu Zinira imikana oo ah sarkaal katirsan Xarakada Al shabaab kaa oo u qaabilsan dhanka warbaahinta iyo daabacaada wararka  iyo  Erick Achayo Ogada, aka Ibrahim Ogada iyo  Kennedy Yogan Mwok aka Anwar ayaa dhamaantood waxaa lagu eedeeyay qoysaskooda iyo waalidiinta dhalay in lacago u ay u diraan isla markaana baaritaano ay kuwadan ehelada caruurtaasi dhalay.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here