Inta badan dagaalyahanadii Xarakada Al-shabaab ee weeraray Xeradii Ciidamada difaaca dalka Kenya ay ku lahaayeen deegaanka Kulbiyow ee dhaca xadka Soomaaliya iyo Kenya ayaa la sheegay in ay u badnaayeen caruur la askareeyay iyo waliba rag u dhashay dowlada Kenya oo ku lug lahaa weerarkaasi sida Wasaarada Difaaca dalkaasi Kenya ay baahisay.
Wasaarada difaaca Kenya ayaa sidoo kale sheegtay in dagaalyahano Al shabaab ah oo tiradoodu ay gaareyso 350 dagaalyahano in ay weerareen kaa oo sida dowlada Kenya ay qiratay in weerarkaasi looga dilay 68-kamid ahaa ciidamadeeda ayaa waxaa sidoo kale ay tibaaxday wasaaaradu in qaar katirsan dagaalyahanada Xarakada Al shabaab ay weerarkaasi ku dileen iyagoo xusay in inta ugu badan ee weerarkaasi ku dhinatay in ay ahaayeen caruur la’askareeyay oo katirsanaa cutubyadii dagaalka soo qaaday ee Xarakada Al-shabaab.
Al-shabaab ayaa jimcihii weerar xoogan ku qaaday Xirada Ciidamada Kenya ee deegaanka kulbiyow ee Gobolka Jubada Hoose waa kii labaad ee qasaaraha ugu badan gaarsiiyay Ciidamada Kenya.

