Dowladda Kenya oo Sheegtay in Caruur la Askareeyay ay Weerareen Deegaanka Kulbiyow

0

Inta badan dagaalyahanadii Xarakada Al-shabaab ee weeraray Xeradii Ciidamada difaaca dalka  Kenya  ay ku lahaayeen deegaanka Kulbiyow ee dhaca xadka Soomaaliya iyo Kenya ayaa la sheegay  in ay u badnaayeen caruur la askareeyay iyo waliba rag u dhashay dowlada Kenya  oo ku lug lahaa weerarkaasi sida Wasaarada Difaaca dalkaasi  Kenya ay baahisay.

Wasaarada difaaca Kenya  ayaa sidoo kale sheegtay  in dagaalyahano Al shabaab ah  oo tiradoodu ay gaareyso 350 dagaalyahano in ay weerareen  kaa oo sida dowlada Kenya ay qiratay in weerarkaasi looga dilay 68-kamid ahaa ciidamadeeda ayaa waxaa sidoo kale ay tibaaxday wasaaaradu  in qaar katirsan dagaalyahanada Xarakada Al shabaab ay weerarkaasi ku dileen iyagoo xusay in inta ugu badan ee weerarkaasi ku dhinatay in ay ahaayeen caruur la’askareeyay oo katirsanaa cutubyadii dagaalka soo qaaday ee Xarakada Al-shabaab.

Al-shabaab ayaa jimcihii weerar xoogan ku qaaday Xirada Ciidamada Kenya ee deegaanka kulbiyow ee Gobolka Jubada  Hoose waa kii labaad ee qasaaraha ugu badan gaarsiiyay Ciidamada Kenya.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here