Akhriso:-Sida Loo Xukumay Dhalinyaradii Kufsiga Ka Geystay Degmada Galdogob+Sawirro

0

Degmada Galdogob ee Gobolka Mudug waxaa goordhaweyd  ka dhacay  Xukuno lagu fuliyay Dhalinyaradii dhawaan Kufsiga u geystay Gabar 16-jir ah oo lagu magacaabo Ridaayo Saxardiid oo sidoo kale Muuqaalo laga duubay lagu baahiyay  baraha Bulshada.

Goobta uu xukunka ka dhacay waxaa ku sugnaa wasiirro katirsan Maamulka Puntland oo ay kamid yihiin Wasiirka Cadaalada iyo Arrimaha Diinta, Saalax Xabiib Jaamac,  Wasiirka Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Aniso Xaaji Muumin iyo sidoo kale Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland General Cabdiqaadir Shirre Faaarax (Ereg).

Goobta sidoo kale xukunka lagu fuliyay waxaa si weyn amaankeeda u adkeeyay Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Puntland,dhalinyarada la xukumay ayaa gaaraya tiro ahaa 5-dhainyaro waxaa ku jira wiil la dhashay Ex- Xildhibaan C/raxmaan Xoosh Jibriil.

Halkaan Hoose ka Akhriso Sida uu u dhacay Xukunka.

  • Shirwaca Jaamaca Junle waxaa lagu xukumay 200 oo jedel ah,10 Sanno oo xarig ah iyo Ganaax lacageed oo dhan “$4620 Dollar
  • Yaasir Maahir Xaashi waxaa lagu xukumay 200 oo jedel ah, 8 Sanno oo xarig iyo Ganaax lacageed oo dhan “$3520 Dollar.
  • Ayaanle Wale Waxaa lagu xukumay 100 jedal ah, 7 Sanno oo xarig ah iyo Ganaax Lacageed oo dhan $2560 Dollar.
  • Yaxye Awkax,Waxaa lagu xukumay 100 jedel ah, 6 Sanno oo xarig iyo Ganaax lacageed oo dhan $1760 Dollar.
  • C/risaaq Xoosh Jabriil,100 jedel ah,5 sanno oo xarig ah iyo Ganaax lacageed oo dhan $1760.

Dhanka kale xukunka kadib waxaa loo gudbiyay Magaalada Garoowe si xabsiga halkaas ku yaalo loogu xiro, waa sida ay ku heshiiyay labada dhinac.

16195590_1364865096910695_7041475019321868259_n 16195961_1364865110244027_3055793776604236439_n

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here