Madaxweynaha Jubba-land oo Booqday Dad Bukaan ah oo Jiifa Isbitaalka Kismaayo+Sawirro

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa waxaa uu booqday Isbitaalka Weyn ee Magaalada Kismaayo halkaas oo ay ku jiraan dad badan oo bukaan ah isla markana ay xaaladooda la tacaalayaan Dhakhaatiirta ka hawlgala Isbitaalka Kismaayo.

Madaxweynaha ayaa booqday qaybaha kala duwan ee Isbitaalku uu ka kooban yahay gaar ahaan qaybta gargaarka deg dega ah qaybta bukaan jiifka iyo qaybta Hooyada iyo Dhalaanka.

Sidoo kale Madaxweynahu wuxuu tagay qaybta Adeeg bixinta, qaybta Daweynta Cudurka Jadeecada, iyo Qaybta Daweynta Xanuunka Shuban Biyoodka, oo uu ku booqday dadweyne farabadan oo la baxnaaninayo.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam wuxuu halkaas kusoo arkay dad badan oo xaaladooda aan gudaha dalka waxba lagaga qaban karin kuwaas oo uu balan qaaday in dibada loo qaadi doono isla markana ay Dowladu damaanad qaadayso xaaladooda Caafimaad.

Dhakhaatiirta iyo Hawl wadeenada ka hawlagala Isbitaalka ayuu Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ku booriyay in shaqada ay umada u hayaan ay sii laban laaban isla markana ay shaqeeyaan wakhti walba oo munaasab ah si loogu gurmado dadka baahida Caafimad qaba.

16179693_816599595147610_6903110847426991097_o 16251937_816599341814302_1315204466410848119_o  16300099_816599471814289_1627666926123478660_o 16402641_816599648480938_4653109200770881077_o

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here