Faah-faahin:-Taliyihii Ciidamada Al-shabaab ee Gobolka Gedo oo La Dilay

0

Wararka ka imaanaya Magaalada Baardheera ee Gobolka gedo ayaa ku waramaya in Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaliya ay howlgal qorshaysan ay ku dileen Taliyihii Ciidamada Al-shabaab ee gobolkaas.

Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaliya ayaa la sheegay in Howlgal qorshaysan ay ka fuliyeen deegaanka Tuulo Barwaaqo oo 18-KM u jirta Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo habeenimadii xalay aheyd,waxay howlgalka ay ku dileen taliyihiin Al-shabaab ee Gobolkaas nin magaciisa lagu sheegay C/laahi Qanaas.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowladda Soomaliya ee Gobolka Gedo oo la hadlay warbaahinta ayaa xaqiijiyay in weerar qorshaysan lagu dilay Taliyihiin Ciidamada Al-shabaab ee Gobolkaas.

Ilaa haatan ma jiro wax war ah oo kasoo baxay maamulka Xarakada  Al-shabaab oo loogu hadlaayo dilka taliyihii Gobolkaas ugu magacawnaa  C/laahi Qanaas.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here