Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr C/wali Maxamed Cali Gaas oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in deegAanada Maamulkaas ay yihiin amaan dhanka Nabadgalyada, gaar ahaan deeganadii laga saaray dhawaan dagaalyahanada Daacish ee xiriirka la leh ururka Al-qaacida.
Madaxweyne C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay In aysan qalqal galin doonin amaanka deeganada maamulka falkii Daacish ay shalay sameeyeen oo ahaa in jidka u galeen gaari ay saarnaayeen dad shacab ahaa islamarkaana ay kala dageen dad shacab ahaa iyo askar ka Tirsan Ciidamada Maamulka Puntland.
“Aniga ayaa haatan safar dhulka ah ku maraya deegaanada maamulka Puntland, yaa jidka noo gal, oo aad maqasheen falka ka dhacay duleedka magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari ee daacish ay geysteen ma noqon doono mid saameeya amaanka Puntland ”, ayuu yiri Madaxweyne C/wali Gaas.
Shalay ayay aheyd markii dagaalyahano ka tirsan Daacish ay jidka u galeen gaari u socday Magaalada Boosaso waxaa la xaqiijiyay in ay afuubteen askar ka Tirsan Puntland.

