Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga oo Ciidamo Tababar u Socday Ku Booqday Turky-ga+Sawirro

0

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabdalla Xuseen Cali, Saraakiil ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga iyo sii haayaha safiirka Soomaaliya ee wadanka Turkiga ayaa maanta booqday ciidamo Soomaaliya loogu tababarayo magaalada Ankara ee dalkaasi Turkiga.

Ciidamadaan dowladda Turkiga ay u tababareyso Soomaaliya ayaa waxay isugu jira ciidanka Badda, Cirka iyo Dhulka waxaana loo tababarayaa ciidamadaan Saraakiil, Saraakiil ku xigeeno iyo Dable.

Mudane Cabdalla Xuseen Cali Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa ciidamadaan ku bogaadiyay tababarkaan ay qaadanayaan wuxuuna kula dar daarmay inay u sii dhabar adeegaan mudada u harsan.

Sidoo kale Wasiir ku xigeenka ayaa dowladda Turkiga kaga mahadceliyay taageerada ay siiyaan Soomaaliya iyo dadaalka badan oo ay ku bixinayaan Tababarka iyo dhismaha ciidanka Qaranka Soomaaliya.

Maalmahaan ayaa wadanka Turkiga waxaa howlo shaqo u joogay wasiir ku xigeenka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabdalla Xuseen wuxuuna halkaas kula kulmay masuuliyiin ka tirsan dowladda Turkiga.

16296078_969738749827545_1569612021_n 16296078_969738749827545_1569612021_n-640x426 16358369_969738826494204_307155371_n

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here