Safaaradda Soomaliya ee Mareykanka oo Lagu Eedeeyay Dadka Laga Masaafuriyay Dalkaas

0

Shalay gelinkii dambe waxaa magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaliya laga soo dajiyay  90 dhallinyaro Soomaaliyeed ah oo laga soo masaafuriyey dalka Mareykanka.

Dhallinyaradan oo laga soo masaafuriyay gobola kala duwan oo Mareykanka ah ayaa VOA-da u sheeay in safaaradda Soomaaliya ee Mareykanka ay ka dambeysay in dib loo soo celiyo dhalinyaradan, ka dib markii ay aqbaleen in ay bixiyaan document dal ku laabasho ah.

Dhalinyaradan oo maanta si koox koox ah u socday hareeraha wadada Maka Al-Mukamarama ee Magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in safiirka Soomaliya ee wadanka Mareykanka uu ka aqbalay dowladda dalkaas in dib loosoo soo celiyo Soomalida dalkaas ku nool, islamarkaana haatan aysan nolol wanaagsan aysan ku heysanin Soomaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here