Raisulwasaarihii Hore ee Soomaliya oo Ka Tanasulay Musharaxnimadiisa Xilka Madaxweynaha

0

Raisulwasaarihii hore ee Soomaliya Cali Maxamed Geedi ayaa maanta magaalada muqdisho kaga dhawaaqay   in uu ka tanasulay Musharaxnimadiisa xilka Madaxweynaha Soomaliya ,islamarkaana u tanasulay Musharax C/qaadir Osoble uu hamigiisa uu yahay ku guuleysiga Xilka madaxweynaha Soomaliya.

Kulanka ka dhacay Hotelka City Place ayuu Raisulwasaarihii hore ee Soomaliya Cali Maxamed Geedi kaga dhawaaqay in uu ka tanasulay musharaxnimadii xilka Madaxweynaha Soomaliya, waxa uuna sheegay in uu ku teegeeri doono Mudane C/qaadir Osoble iin uu ku guuleysto xilka Madaxtimad Soomaliya.

Kulanka waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Musharixii kale oo dhankooda soo dhaweeyay go’aanka uu qaatay Raisulwasaarihii hore ee Soomaliya Cali Maxamed Geedi, waxayna sidoo kale ku baaqeen in doorashada madaxweynaha ee sanadkaan ay noqoto mid ka madax banaan musuq-maasuq.

8-da bisha February ayaa lagu wadaa in ay dhacdo doorashada Madaxweynaha Soomaliya,waxaa ka hor sida horey loo bartya dhacda in musharixiin ay shaaciyeen in ay ka tanasuliyeen hamigooda islamarkaana ay shaqsiyaad kale u tanasuleen.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here