Maamulka ahlusuna waljameeca ayaa u eedeeyay Mamulka Galmudug ee Gobolada Dhexe in al-shabaab ay Fursad u siiyeen in ay la wareegaan deegaanka camaara ee Gobolka Mudug
Afahayeenka Maamulka ahlusuna sheikh Mursal xeefow ayaa radio simba u sheegay in Maamulka Galmudug uu Fursad u siiyay al-shabaab in ay la wareegaan Deegeeno kamid ah Gobolka Mudug
Sidoo kale Afahayeenka Maamulka ahlusuna sheikh Mursal xeefow ayaa ugu Baaqay dadka Daga gobolada Dhexe in ay Hal meel ugu soo wada jeestaan la dagaalanka AL-shabaab oo Haatan ku sugan qeybo kamid ah Gobolka Mudug gaar ahaan deegaanka camaara
Dhawaan ayay aheyd markii ciidamo ka Tirsan Al-shabaab ay ka wareegeen deegaanka Camaara waxaa sidoo kale Jirey dhaqdhaqaaq ay wadeen ciidamada Maamulka Galmudug oo lagu sheegay in Lagu doonayo in lagula wareego deeganka Camaara oo al-shabaab ay ku sugan Yihiin
Halkaan ka dhageyso codka Xeefow

