Ahlusuna ayaa Maamulka Galmudug ku eedeysay in al shabaab ay Fursad u Siinayaan in ay Qabsadaan Gobolka Mudug

0

Maamulka ahlusuna waljameeca ayaa u eedeeyay Mamulka Galmudug ee Gobolada Dhexe in  al-shabaab ay Fursad u siiyeen in ay la wareegaan deegaanka camaara ee Gobolka Mudug

Afahayeenka Maamulka ahlusuna  sheikh Mursal xeefow ayaa radio simba u sheegay in Maamulka Galmudug uu Fursad u siiyay  al-shabaab in ay la wareegaan Deegeeno kamid ah Gobolka Mudug

Sidoo kale Afahayeenka Maamulka ahlusuna  sheikh Mursal xeefow   ayaa ugu Baaqay dadka Daga gobolada Dhexe in ay Hal meel ugu soo wada jeestaan la dagaalanka AL-shabaab oo Haatan ku sugan qeybo kamid ah Gobolka Mudug gaar ahaan deegaanka camaara

Dhawaan ayay aheyd markii ciidamo ka Tirsan Al-shabaab ay ka wareegeen deegaanka Camaara waxaa sidoo kale Jirey dhaqdhaqaaq ay wadeen ciidamada Maamulka Galmudug oo lagu sheegay in Lagu doonayo in lagula wareego deeganka Camaara oo al-shabaab ay ku sugan Yihiin

Halkaan ka dhageyso codka Xeefow

 

 

 

 

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here