Mas’uul Ka Tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo Isku Day Dil Ka Badbaaday

0

Wararka haatan naga soo gaaraya Degmada Waabari ee Gobolka Banaadir ayaa ku waramaya In qarax gaarigiisa loogu xiray Mid kamid ah shaqaalaha wasaaradda arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaliya in uu ka dhacay degmadaas.

Qaraxa ayaa ka dhacay Wadada Shaqaalaha gaar ahaan dabarka dambe ee Shaleemo Salaama ee Degmada Waabari ee Gobolka Banaadir, waxaa la doonayay In qaraxa lagu qaarijiyo mas’uul magaciisa lagu sheegay Afrax oo kamid ah Shaqaalaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaliya.

Qaraxa ayaa dhacay xili uu gaariga waday mas’uulka, dad ka ak dhawaa goobta uu qarax ka dhacay ayaa inoo sheegay in mas’uulka uu k badbaaday qaraxa.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here