Dowladda Uganda ayaa markii ugu horeysay ka hadashay askari u dhashay dalkeeda oo dhawaan xukun dil ah ay ku fuliyeen Xarakada Al-shabaab xili muddo badan ay gacanta ugu hayeen si maxbuus ahaan.
Afhayeenka ciidamada Uganda Paddy Ankunda oo wareysi siiyay wareyska Daily Monitor ayaa sheegay in ay doonayaan in qaadaan tilaabo ay Al-Shabaab uga aargoosanayaan dilkii toogashada ahaa ay qaarijiyeen Masassa M.Y ahaa kamid ah Ciidamada Uganda ee qeybta ah Howlgalka AMISOM ee Soomaliya.
“Shabaab waxa ay arki doonaan Awooda ay leeyihiin Ciidamada Uganda ee qeybta ka ah howlglka AMISOM ee Soomaliya, runtii ka dowlad ahaan aad ayaan kaga xunahay dilka Masassa M.Y, jawaab ayaan ka bixin doonaa”, ayuu yiri Paddy Ankunda.
Radio Al andulus, ayaa lagu baahiyay muuqaal sagaal daqiiqo ah, oo uu ka soo muuqday askariga dilka lagu filiyay, Qaybta dambe ee muuqaalkan, ayaa waxaa ka soo muuqday nin ka tirsan Xarakada Al Shabaab oo madaxa ka tooganaya Masassa M.Y oo ahaa askari u dhashay Uganda oo gacanta ay ku hayeen.
Masassa M.Y, ayaa gacanta Xarakada Al Shabaab u galay 1-dii bishii September ee sanadkii 2015-kii, kadib markii ay Shabaabku dagaal culus ku qabsadeen xerada Ciidamada Amisom ku leeyihiin Degmada Janaale ee Gobolka Shabellaha Hoose.

