Koonfur Galbeed oo Ka Digtay in La Siyaasadeeyo Abaaraha Ka jira Deeganada Maamulkaas

0

Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in la siyaasadeeyo abaaraha daran, ee xilligan ka jira Deegaanada dowlad Goboleedka  Koonfur Galbeed Soomaliya.

Wasiirka Hub Ka Dhigista & Dhaqancelinta Maamulka Koonfur Galbeed, Xasan Xuseen Maxamed (Xasan Eelaay), Gudoomiyaha Gobolka Baay, C/rashiid Cali C/laahi, Taliyaha Booliska Gobolka Baay, Korneyl Mahad C/raxmaan Aadan iyo Taliyaha Hay’adda Nabad Suggida Magaalada Baydhabo, Maxamed Isaaq Ibraahim (Aflow), oo shir jaraaid si wadajir ah ugu qabtay  magaalada baydhabo ayaa sheegay in ay jiraan shaqsiyaad siyaasadeeyay abaaraha ka jira Deeganada Koonfur galbeed Soomaliya, iyagoo  sidoo kale ka faaideysanaya  gurmadka loogu talagalay dadka abaarta ay saameysay.

Wasiirka Hub Ka Dhigista & Dhaqancelinta Maamulka Koonfur Galbeed, Xasan Xuseen Maxamed (Xasan Eelaay), oo ugu horeyntii shirka jaraaid ka hadlay ayaa sheegay in maamulka uu soo dhaweynayo cid kasta oo gacan u fidineysa dadka ay abaaruhu saameeyeen, iyadoona looga baahan yahay in arrintaasi kala shaqeeyan guddiga abaaraha Koonfur Galbeed.

Dhawaan warar soo baxay ayaa sheegaya in mas’uuliyiin ka Tirsan Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya ay ka faaideysanayaan deeqaha loogu talagalay dadka Abaaraha ay saameeyeen ee ku nool Gobolada Baay iyo Bakool ee Koonfur Galbeed Soomaliya.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here