Xildhibaanada Galmudug oo Diiday in ay La Kulmaan Xubnaha 2-aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya 

0

Xubnaha 2-aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya  ee u tagay dhex dhexaadinta Xasilooni Darada Siyaasadeed iyo mid amaan ee ka jirta Dagmada Cadaado Maalimiihii dambe ayaa maanta ku guul daraystay  inay kulan guud ay la qaataan Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Galmudug ee dhawaan sheegay inay Xilka qaadis ku Sameeyeen Madaxweynaha Maamulkaas Mudane C/kariin Xuseen Guulleed.

Wararka ayaa Sheegaya Gudoomiye ku-xigeen Koowaad ee baarlamaanka Galmudug  Xareed Cali Xareed uu amar ku bixiyey wax kulan ah aan lala qaadan Xubnaha dhex-dhexaadinta ee ka socda baarlamaanka Dowlada Federaalka Soomaaliya kuwaas oo lagu eedeeyey inay ganac saar la leeyihiin Madaxweyne C/kariin Xussen Guulleed.

Xildhibaan Muxiydiin Sheekh Cabdulaahi oo kamid ah Baarlamanka Maamulka Galmudug ayaa Idaacad Simba u sheegay in baarlamaanka aysan wax kulan ah aysan la qaadan doonin Xubnahaas oo sida uu Sheegay wada qorshe ka dhan ah Dastuurka Maamulkaas.

Xubnahaan oo iskugu jira 2-aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya islamarkaana uu ka mid yahay sii hayaha Xilka Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Odawaa iyo Xubnha kale oo saameyn ku leh Siyaasada Maamulka Galmudug balse inta badan ayaa ku Guul daraystay Kulamo gaar gaar ah oo ay la qaateen Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here