Xildhibaan Cabdirisaaq Siciid Aadan oo ka tirsan Barlamaanka Puntland oo warbaahinta la hadlay ayaa ugu baaqay Madaxweyne C/wali Maxamed Cali gaas in uu is casilo inta aysan Xildhibaanada Baarlamanka xilka ka qaadin.
Waxa uu sheegay Xildhibaan Cabdirisaaq Siciid Aadan in C/wali Maxamed Cali Gaas uu lacago badan ku bixiyay Safaradii uu sameeyay sanadkii lasoo dhaafay ee 2016-ka,islamarkaana marka la weydiiyo uu beeninaayo.
“Madaxweyne C/wali Maxamed Cali Gaas waxaan ugu baaqaynaa in uu is casilo, inta aan anaga xilka ka qaadin, dhaqaalihii Puntland ayuu lunsaday, safaradii ugu dambeeyay uu sameeyay sanadkii 2016-kii waxaa ku baxay dhowr iyo toban million, marka la weydiiyo inkiraad ayuu kaa hor keenayaa, lacagihii loogu talagalay dadka abaarta ay saameysay isagaa lunsaday”,ayuu yiri Xildhibaan Cabdirisaaq Siciid Aadan.

