Xildhibaanada Puntland“Madaxweyne Gaas  Ha is Casilo, inta aan Anaga Xilka Ka Qaadin”+Dhageyso

0

Xildhibaan Cabdirisaaq Siciid Aadan oo ka tirsan Barlamaanka Puntland oo warbaahinta la hadlay ayaa ugu baaqay Madaxweyne C/wali Maxamed Cali gaas in uu is casilo inta aysan Xildhibaanada Baarlamanka xilka ka qaadin.

Waxa uu sheegay Xildhibaan Cabdirisaaq Siciid Aadan   in C/wali Maxamed Cali Gaas uu lacago badan  ku bixiyay Safaradii uu sameeyay sanadkii lasoo dhaafay ee 2016-ka,islamarkaana marka la weydiiyo uu  beeninaayo.

“Madaxweyne C/wali Maxamed Cali Gaas waxaan ugu baaqaynaa in uu is casilo, inta aan anaga xilka ka qaadin, dhaqaalihii Puntland ayuu lunsaday, safaradii ugu dambeeyay uu sameeyay sanadkii 2016-kii waxaa ku baxay dhowr iyo toban million, marka la weydiiyo inkiraad ayuu kaa hor keenayaa, lacagihii  loogu talagalay dadka abaarta ay saameysay isagaa lunsaday”,ayuu yiri Xildhibaan Cabdirisaaq Siciid Aadan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here