Denjire Micheal Keating oo War Kasoo Saaray Doorashada Madaxweynaha Cusub

0

Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Denjire Micheal Keating oo kamid ahaa mas’uuliyiin Shalay  la Kulmay Gudoomiyaha Baarlamanka Federaalka Soomaliya Pro Maxamed Shiikh Cusmaan(jawaarii) ayaa ugu baaqay Baarlamanka Cusub ee Soomaliya in ay doortaan Madaxweyne isbadal wanaagsan dalka ku sameyn kara.

Denjire Micheal Keating ayaa tilmaamay in Baarlamanka haatan uu dalka leeyahay uu yahay mid ka awood badan kii sanadkii 2012-kii la doortay, wuxuu ugu baaqay  xildhibaanada cusub in ay doortaan Madaxweyne dalkaan ka samata bixin kara halka uu haatan joogo.

“Haddaba waxaa aad muhiim u ah in la helo Madaxweyne  samata bixin kara Soomaliya, oo geyn kara meel wanaagsan, waxaa sidoo kale aad u muhiim ah in doorashada Madaxweynaha aysan dhaafin Labada todobaad ee soo socda, beesha caalamka, AMISOM iyo Midowga Afrika waxa ay sameeyeen shaqo weyn  oo aheyd  ilaalinta goobaha doorashada ay ka dhacayeeen, wali diyaar ayay u yihiin ilaalinta goobaha doorashada”, ayuu yiri Denjire Micheal Keating.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here