Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan wararka ka imaanaya ayaa ku waramaya in Xabsiga degmadaas lagu dhex Dilay Wiil uu dhalay gudoomiyaha Al-shabaab ugu magacaaban Degmada Moqokori ee Gobolkaas.
Dilka Wiilka dhalinyarada ahaa ee la sheegay in uu dhalay Gudoomiyaha Al-shabaab Gobolka Hiiraan ayaa ka dambeeyay, kadib markii nin maleeshiyaad ah uu Saldhiga gudihiisa ku dhex toogtay, xilli la sheegay ninka maleeshiyaadka ah Wiil ay walaalo yihiin Shabaab inay ku gowraceen duleedka deegaanka Moqokori ee Gobolkaasi.
Ciidamada amaanka Xabsiga Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan ayaa gacanta ku dhigay ninkii dambeeyay falka dilka loo geystay wiilka dhalinyarada ahaa, inkastoo aan la ogeyn waxyaabaha uu adeegsaday dilkiisa.
Dhanka kale Guddoomiyaha Cusub Degmada Maxaas Mudane Maxamuud Maxamed Xalaneoo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dhacdaan ay ku dhacday si aar-goosi ah, islamarkaana haatan gacanta lagu hayo shaqsigii geystay falkaan dhawaan Maxkamad lasoo taagi doono, waa siduu hadalka u dhigee.

