Maamulka Somali-land ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay dhalinyaro isugu jira Wiilal iyo Gabdho oo is cadeeya oo kusoo badanaya Magaalada Hargeysa ee Caasimada Maamulkaas.
Wasiirka Waxbarashada Maamulka Somali-land Cabdilaahi Ibraahin Habane”Dheere” oo maanta warbaahinta kula hadlay Magaalada Hargeysa ayaa sheegay in Magaaladaas ay kusoo badanayaan Gabdho iyo Wiilal iscadeeya oo xitaa oo aan dadka ka xishoonaynin.
“Qofka Soomaliga ah aragtiyo badan ayuu qabaaa, dadka qaar ayaa qaba in aan nahay Carab, kuwa ayaa qaba in aan nahay Afrikaan,taasina waxay u baahan tahay in baaritaano dheeri ah in lagu sameeyo, Waxaa wax aad loogu xumaado ah in aabaha ama hooyada Soomaliyeed ay ubadkooda u iibiyaan waxyaalaha la isku cadeeyo, waxaana wax aad loogu xumaado sidoo kale ah in quruxduu ilaah ku siiyay aad ku kalsoonaan weydo”, ayuu yiri Wasiirka Waxbarashada Maamulka Somali-land Cabdilaahi Ibraahin Habane”Dheere”.
Wasiirka Waxbarashada Maamulka Somali-land Cabdilaahi Ibraahin Habane”Dheere” ayaa sheegay in wasaaradda diinta u qaabilsan Maamulka Somali-land ay kala hadli doonaan sidii wacyi galin loogu sameyn lahaa arinta is cadeynta ee kusoo korortay Magaalada Hargeysa.

