War Deg Deg:-Meydadka Labo Ruux oo Dalxiisayaal ahaa oo Laga Helay Deegaanka Gandershe

0
epa05343241 A body bag lies on the beach as rescue personnel work where bodies of migrants washed up, in Zuwarah, west of Tripoli, Libya, 02 June 2016. According to media reports citing Red Crescent officials, at least 85 bodies have washed up onto Libyan beaches this week. EPA/MOHAME BEN KHALIFA ATTENTION EDITORS: GRAPHIC CONTENT

Wararka ka imaanaya magaalada Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ku waramaya in Meydadka Labo Ruux oo dalxiisayaal reer Galbeed ahaa in laga helay halkaasi.

Meydadkan oo jirkooda laga dareemayay dhaawacyo soo gaaray intii ay badda dhax sabeynayeen ayaa ku caariyay deegaanka Gandershe oo dhanka Bari uga began magaalada Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose oo kamid ah deeganada  gacanta ay gacanta  ku hayaan dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab.

Mas’uuliyiin iyo Ciidamada ka Tirsan Xarakada Al-shabaab ayaa gaaray halka ay kusoo caariyeen meydadka waxaa durbadiisa lagu aasay isla deegaanka Gandershe oo dhanka Bari uga beegan magaalada Marka.

Mas’uuliyiinta deegaanka Gandershe ee Xarakada Al-shabaab waxay sheegeen in Meydadka Nin iyo Naag caddaan ah laga helay xeebta, Meydadka caddaanka ah ee la helay ayay baddu soo tuftay waxayna umuuqdeen in ay ahaayeen dalxiisayaal reer galbeed ah.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Meydka Haweenayda caddaanka ah ee lahelay qoorta iyo gacmaha uu uga xirnaayeen  dahab farabadan sida Katiinado ,dhowr faraanti iyo koorayaal dhammaantood dahab ah.

Sidoo kale wararka ayaa intaas ku daraya  in Meydadka Ninka iyo naagta caddaanka ah ee lahelay ay ku labisnaayeen dharka ay caanka ku yihiin dalxiisayaasha reer galbeedka ah.

ilaa haatan ma jiro dowladd si rasmi ah u sheegatay meydadka.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here