Faah-faahin Ku Saabsan Qaraxyada Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

0

Qaraxyo ismiidaamin ahaa oo gawaari loo adeegsaday ayaa  ka dhacay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaliya.

Qaraxyada oo labo ahaa oo islamarkaana ismiidaamin ahaa ayaa si weyn loogu maqlay gudaha magaalada Muqdisho.

Qaraxa koowaad ayaa la sheegay in loo adeegsaday gaari yar oo lagu qarxiyay albaabka hore ee halka loo yaqaano Madiino Gate  oo ku dhow xarunta xalane ee fariin u ah Ciidamada midowga Afrika  ee Amisom, Sidoo kale waxaa jiray qarax  laga soo buuxiyay gaari xamuu ahaa oo ka dhacay meel ku dhow xarunta Xalane.

Saraakiil ka Tirsan Laamaha amaanka dowladda Soomaliya oo warbaahinta la hadlay ayaa xaqiijiyay in gawaarida qarxay inta aysan qarxin ay rasaaseeyeen Ciidamada Dowladda Federaalka  Soomaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM Kadidna ay qarxeen, islamarkaana batilmeedka uu haaa Hoteelka Peace oo dhawaan lagu qabtay Shirka Urur Goboleedka IGAD.

Dhanka kale waa la xaqiijiyay in qasaaro hantiyeed uu gaaray garoonka Diyaaradaha aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

waxaa jiro qasaaro dhimasho iyo dhaawac soo gaaray shacab iyo Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaliya

15747409_1498474293514372_5649016055701893073_n 15780794_1498474426847692_2083732522778915483_n 15822928_1498474496847685_3517691714380702089_n 15823073_1498474523514349_1237241814746966574_n 15823243_1498474260181042_1492157422936904362_n 15823472_1498474326847702_7744030369306227448_n

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here